Xafiiska Hantidhowraha guud ee Qaranka Soomaaliya ayaa ku guuleestay in dib loogu soo celiyo gacanta guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo fedeeaalka ee dowladda Soomaaliya gaadiid guddigaasi lahaa.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Hantidhowraha Qaranka ayaa lagu sheegay in lasoo celiyay shan gaari oo ay lahaayeen guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo federaalka, waxaana gaadiidkaasi horey u qaatay xubno katirsanaa shaqaalaha guddigaasi.
Hantidhowrka Qaranka ayaa horey usoo saaray ammar lagu soo celinayo gaadiid iyo agabyo kale ay dowladda leedahay oo horey u qaateen shaqsiyaad u badan kuwa xilal ka hayay dowladdii hore ee Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Hantidhowraha ayaa lagu sheegay in lagu guuleestay in dib loo soo celiyo ilaa 15 gaari oo horey uga maqnaa gacanta hay’addo katirsan dowladda Soomaaliya.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com