Allbanaadir.com
NEWS

Lacag ka badan labo Bilyan oo Doollar oo loogu yaboohay Dalal Soomaaliya ku jirto (Sawirro)

Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abshir Cumar Jaamac ( Huruuse) ayaa ka qaybgalay shir dhaqaale loogu ururinayey wadamada geeska Africa gaar ahaan Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya oo ay saamayn ku yeelatay abaar ka dhalatay shan xilli roobaad oo baaqday ama aan si wanaagsan u di’in intii Gu’gan ka horreysey, iyo sidoo kale fatahaadda ka dhalatay roobabka Gu’ga oo saameeyey qaar ka mid ah gobolada dalka.

Shirkaan oo ay wadajir u soo agaasimeen dawladaha Maraykanka, Ingiriiska, Talyaaniga, Qatar iyo ururka Qaramada Midoobey u qaabilsan isku dubaridka gargaarka UN-OCHA ayaa wasiirku ka jeediyey khudbad koobeysey saamaynta xaaladahani ku reebeen dadka Soomaaliyeed ee nugul iyo hab nololeedkooda sida Beeraha, Xoolaha iyo dhammaan kaabayashooda nololeed.

Shirkan oo socday muddo kooban ayaa deeq bixiyeyaashu ku ballan qaadeen bixinta gargaar lacageed oo gaaraya 2 bilyan iyo saddex boqol oo malyan oo dollar (USD2.3B) oo loogu talo galay in lagu taageero dadka ay abaaruhu horay u saameeyeen ee Ethiopia, Kenya iyo Soomaaliya.

Related posts

Munaasabad weyn oo caawa ka socota Muqdisho iyo amaanka oo la xoojiyey

Caydiid Ali

Booliska Muqdisho oo Mamnuucay socodka Mooto Bajaajka laga bilaabo..

Caydiid Ali

Dowlada Ethiopia maka adkaan kartaa Xoogaga TPLF ee dagaalka xoogan kala soo horjeeda ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---