Q/Midoobey ayaa Somalia u soo magacowday wakiil cusub oo bedelaya danjire Micheal Keating oo xafiiska la wareegay bishii Janaayo ee sanadkii 2016
Danjire Keating oo waqtiga uu ka dhammaaday islabmarkaana baneynaya xafiiska ayaa waxaa la sheegay inuu bedeli doono Nicholas Haysom oo ah nin cadaan ah oo u dhashay dalka Koonfur Afrika.
Nicholas Haysom Masuulkan cusub ee loo soo magacaabay xafiiska QM ee Soomaaliya oo 66 jir ah ayaa ahaa Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan dalalka Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, isagoo horayna u soo noqday Ergeyga Qaramada Midoobey ee dalka Afghanistan.
Wakiilka cusub ayaa ah Qareen ku taqasusay arrimaha dimoqraadiyada, dowlad wanaagga, dib u heshiisiinta, nabadeynta iyo dib u habeynta.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com