Magaalada Muqdisho ayaa waxaa beri ka bilaabanaya dhaqangalka go’aan ku dhowaad labo bilood ka hor ka soo baxay golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya kaasoo la xiriiray nidaaminta mootooyinka bajaajta oo mudooyinkan ku soo batay Muqdisho.
Shirka Golaha wasiiradda ee dhacay 30kii Maarso ee sanadkan ayaa laga soo saaray shan qodob oo lagu xadidayo mootooyinka ku soo badanaya caasimadda oo ciriiri iyo jaam fara badan ka dhigay magaalada.
Waxaa ka md ahaa go’aanadaas in sumad gaar ah oo ah (A iyo B) loo sameeyo bajaajka kuwaasoo labo maalin ka kala shaqeyn doona magaalada iyadoo fulinta amarkaas loo xilsaaray Maamulka gobolka Banaadir.
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir Saalax Dheere ayaa sheegay in maalinta beri ah oo taariikhdu tahay 25ka bishan uu magaalada Muqdisho si rasmi ah uga dhaqan galayo jadwalkii loo asteeyey mootooyinka Bajaajka ee ahaa A iyo B.
Saalax Dheere ayaa sheegay iney dhamaatay sumadeynta iyo Buufinta mootooyinka, isagoo fulinta amarkaas sheegay iney u xilsaaran yihiin taliska ciidanka taraafikada, ciidanka dowlada hoose ee Xamar iyo dhamaan laamaha kale amaanka.
Laga bilaabo beri 25ka May saacadu marka ay tahay 5:00 aroornimo waxaa dhaqan galaya jadwalka mooto bajaajka loo dejiyey ee ahaa A iyo B oo midba uu maalin shaqeynayo, waxaana bilaabaya (A) oo ah Mootooyinka Jaalaha ah, halka kuwa buluuga ah ay shaqeyn doonaan 24 saac ka dib 26ka May laga bilaabo 5:00 aroornimo sidaas ayeyna ku socon doonaan” ayuu yiri afhayeenka.
Waxaa uu intaas ku daray in mootadii aan isku diiwaan gelinin nidaamka cusub  ee la arko iyadoo  socota la ganaaxi doono lacag dhan Shso 2.6 milyan oo u dhiganta qiyaastii $100 dollar.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in qiimahaasoo kale la ganaaxi doono mooto bajaaj diiwaan gashan balse shaqeyneysa maalin aan loo asteynin.
Afhayeenka ayaa sidoo kale sheegay in mootadii iskeed u sameysata diiwaangelin been abuur ah loo aqoonsanayo iney halis ku tahay amniga, waxaana loo gudbin doonaa ayuu yiri laamaha amniga si ay waajibaadkooda uga gutaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com