Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xogta Kulan dhexmaray Xamse Barre iyo Madaxweyne Akinwumi Adesina (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa madasha shirka Sharm el Sheikh kula kulmay Madaxweynaha Bangiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina.

Waxay si gaar ah uga wada hadleen xoojinta mashaariicda Bangiga uu ka fuliyo Soomaaliya iyo sidii uu gacan uga geysan lahaa barnaamijka hormarinta dhaqaalaha ee dowladda Soomaaliya ay waddo.

Dr. Adesina ayaa ku ammaanay dowladda Soomaaliya horumarka ay ka sameysay barnaamijka deyn cafinta, isaga oo sheegay in bangigu kor u qaadi doono taageerada uu siiyo mashaariicda ay ka wadaan Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Sharm El Sheikh uga qaygalay shirka sanadlaha ee Baniga Horumarinta Afrika oo ay isugu yimaadeen hoggaamiyeyaal ka kala socda qaaradda Afrika.

Shirka ayaa waxaa sanadkan diiradda lagu saaray Isku dubaridka maalgelinta Ganacsiga gaarka loo leeyahay si ay door muhiim ah uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Afrika kala qaybgalay dood-cilmiyeed ku saabsan caqabadaha qaaradda Afrika ka heysta qaab dhismeedka dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah ay qayb uga noqon karaan xal waara oo loo helo dhibaatooyinka soo wajahaya Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha Wasiirada oo maanta ansixiyay magacaabis iyo heshiisyo la galay

Cabdi Cade

Maxay ka wada hadleen Raisul Wasaare Hamza & danjire James Swan? (Sawirro)

Caydiid Ali

Gaas oo rajo xumo ka muujiyey in sanadka 2021 ay dalka ka dhacdo doorasho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---