Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Doorashada degmooyin ay ku jirto caasimada Garowe oo dib loo dhigay

Guddiga KMG ah ee doorashooyinka Puntland oo hakiyay doorashada saddex degmo oo ka tirsan Gobolka Nugaal oo kala ah Garoowe, Godobjiraan iyo Dangoroyo.

War-saxaafadeed ka soo baxay guddiga ayaa lagu go’aamiyay in la hakiyo doorashada saddexda degmo ee kala ah; Garoowe, Godobjiraan iyo Dangoroyo oo dhammaantood ka tirsan Gobolka Nugaal.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in doorashada saddexdaas degmo loo hakiyay sababa amni kadib dhacdooyin amni-darro oo ka dhacay Garoowe.

Wasiirka qorshaynta maamulka Puntland, Maxamed Siciid Faroole ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray, war ku saabsan in la foodeeyay doorashooyinka golayaasha degaanka ee gobolka Nugaal ka dib markii ay ka hor yimaadeen ciidamo ay wataan siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo dadweynaha u sheegay inay samir yeeshaan.

Xalay ayay ahayd markii ciidamo isku sheegay militariga Danab ay gubeen qaar kamid ah sanaadiiqda doorashada golaha degaanka ee degmada Burtinle, taasoo muujisay in khilaafkii doorashada aan weli laga heshiinin.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA GUDDIGA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xassan Shiikh oo mar kale ku wajahan degaanada Puntland (Sababta)

Caydiid Ali

Jubbaland oo xilkii ka qaaday Gudoomiyihii Gedo, ka dib Markii

Caydiid Ali

Ujeedka Madaxweyne Farmaajo maanta u hortagayo Baarlamaanka oo la ogaaday !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---