Safiirka J. F. Soomaaliya ee Uganda Danjire Cali Maxamed Maxamuud Cali Cagabaruur ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka walaalalaha nahay ee Dowladda Turkiya ee Uganda Amb. Fatih Ak ee dhawaan loosoo magacaabay dalkan Uganda.
Labada safiir ayaa ka wadahadlay xariirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii iskaashi labada dhinac u sameyn lahaayeen ee ku jirto danaha labada dowladood
Safiirka Turkiya ayaa ka mahadceliyay sida diiran ee safaaradda Soomaaliya ee Uganda loogu soo dhaweeyay, taasoo muujinaysa xariirka wanaagsan ee labada dowladood ee walaalaha ah ka dhaxeeya.
Dhankiisa Safiir Cali oo ka mahad celiyey booqashada uu safaaradda noogu yimid, sidoo kalena ka mahadceliyay taageerada aan kala-go’a lahayn ee dowladda Turkiya la garab taagan tahay dowladdeena Soomaaliya, una sheegay in si dhaw safiir ahaan ula shaqeyn doono walaalkiis safiirka Turkiya.
Amb. Fatih Ak ayaa in dhawaaleba waday booqashooyin oo ku tagayo qaar ka mid safiirada jooga dalka Uganda.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com