Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Muxuu yahay shirka deg deg ah ee Dowlada Somalia ka furtay Muqdisho?

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Mahamoud Moallim Abdulle  ayaa maanta Guddoomiyey Shir deg-deg ahaa oo heerkiisu sareeyo kaas oo looga hadlaayey xaalada adag ee ka jirta Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Kulankan oo goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan ayaa  waxaa ka qeybgalay dhamaan hay’addaha deeqaha bixiya ee dowladaha Islaamka,waxaana looga hadlay shirkaan Xaaladda Fatahaada Baladweyn,sida dadka ku barakacay fatahaada gargaar loo gaarsiin karo iyo sida la iskugu duwi karo howlaha gargaarka.

Guddoomiyaha Hay’adda ayaa dhamaan masuuliyiinta iyo wakiilada uu la kulmay ee ka socday hay’addahan kaga warbixiyey xaalada magaladaas madaama uu booqasho dhoor maalin ka qaadatay ku tagay Baladweyne .

SoDMA ayaa tudabaadkii hore waxa ay magaalada Muqdisho ka dirtay 50 gaari oo sida shixnad mucaawino ah looguna talagalay shacabka dhibatada ka soo gaartay Fatahaada Wabiga Shabelle ka sameeyey gudaha Baladweyn iyo deeganada ku xeeran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad ka badan 40 oo ku dhintay Mashaqo argagax leh oo ka dhacday Balochistan (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax ka dhacay degmada Aw-dheegle iyo Ciidamada dowlada oo howlgalo wada

Caydiid Ali

In ka badan 40-Xildhibaan oo maanta qaatay Shahaadada Xildhibaanimo (Magacyada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---