Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe oo ay wehliyaan labadiisa ku-xigeen ayaa maanta kulan la qaatay Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullahi Xirsi Timacade.
Kulanka guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay furitaanka kalfadhiga 3-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee JFS, iyagoo iska xog-wareystay dardargelinta shaqada dib u eegista Dastuurka KMG ah ee JFS oo noqon doono shaqooyinka ugu muhiimsan ee Baarlamaanka 11-aad uu qaban doono.
Sidoo kale kulanka ayaa guddoonka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya iskula soo hadal qaaday taageerada Ciidamada Qalabka-sida iyo dardargelinta la dagaallanka kooxda Al Shabaab.