Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo garaacay Albaabada guryo kuyaalla Badhan (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Ahna Guddoomiyaha Urur Siyaasadeedka KAAH, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa qaraacay albaabada qaar ka mid ah xaafadaha Degmada Badhan, isago weydiistay Bulshada uu la kulmay in ay u codeeyaan Urur Siyaasadeedka KAAH.

Siciid Deni ayaa socod ku maray qaar kamid ah xaafadaha degmada Badhan, waxa uuna dadka uu la kulmo kan afuro albaabada weediisanayay in ay taageeraan ururka uu hoggaamiyo ayna siiyaan codkooda.

“Waxaa sharaf ii ah inaan qaraacay Albaabada xaafadaha Badhan, si aan dadkeyga u weydiisto codka in ay na siiyaan, oo u codeeyaan Ururka KAAH Doorashada Goleyaasha deegaanka ee 25 May 2023, KAAH waa ururka ay kasoo maaxatay aragtida iyo hirgelinta in awooda Shacabka loo dhoweeyo” ayuu yiri Deni

Waxa uuna intaas sii raaciyay ”In aniga oo Madaxweynihii ah aan cod ka raadinayo Bulshada, tegayo xaafadaha oo codsanayo cod, waa guulaha ugu weyn ee Shacabku helayo waayo waxay awood u yeesheen in ay wax doortaan, dadkaygow waxaa inaga go’an in aynu wadajir taariikh u sameyno Inshallah (Berito) 25 May 2023”

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in ay  suntayaan  taariikh cusub ayna  soo nooleenayaan Rajada shacabka Soomaaliyeed oo dhan, waxa uuan xusay in rejo weyn ka qabo in dalka guud ahaantiisa ka dhacdo doorasho dadku codkooda dhiibtaan.

Ololaha uu wado madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadeysa, xilli qaar kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka ku ah kasoo horjeedaan doorashada qof iyo codka, waxaana xalay ciidamo hubeesan gubeen qaar kamid ah agabkii doorashada lagu qaban lahaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaybta 2aad :-Maxaa kala qabsaday Nebi Nuux CS iyo Qoomkii loo diray? (Qiso cajiib ah)

admin

Ra’isul Wasaare Imran Khan oo xilka laga tuuray shirqool Mareykanka maleegay

Cabdi Cade

Faahfaahin: Dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab oo la wareegay degmada Matabaan

Caydiid Ali