Allbanaadir.com
NEWS

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo furmay iyo Qodobada looga hadlayo (Sawirro)

Waxaa maanta xarunta madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho ka furmay shirka golaha Wadatashiga Qaran ee leeyihiin madaxda ugu sareysa dalka iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Shirka 6-aad ee Golaha Wadatashiga oo uu gudoominayo Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamud ayaa looga hadlayaa arrimo ay kamid yihiin xaaladda amniga dalka gaar ahaan wajiga labaad ee Howlgalada lagu ciribtirayo Al Shabaab, dhameystirka arrimaha Deyn cafinta iyo dhaqan-gelinta heshiisyadii horey ay u gaareen Golaha Wadatashiga Qaran.

Waxaa ka qeyb galay shirkan maanta ka furmay magaalada Muqdisho madaxda dowlad goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo maamulka Hirshabelle , waxaana kulanka maanta ka maqnaa Ra’isul wasaaraha iyo guddoomniyaha gobolka Banaadir oo dalka dibadiisa safar ugu maqan.

Shirkan maanta furmay waxaa markii labaad ka maqan madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Denhi oo horey u diiday ka qeyb galka shirka wadatashiga, waxa uuna Deni xiriirka u jaray dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubno ka goostay Xisbiga Muuse Biixi oo taageeray C/raxman Ciro

Caydiid Ali

Maxkamad ridday go’aan xasaasi ah oo ka dhan ah Donald Trump iyo caruurtiisa

Cabdi Cade

Farmaajo oo la qadeeyey ciidamo ku xareysan Xerada Jeneraal Gordon (Daawo Sawirro)

admin