Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir horgeeyay 9 eedeysane iyo shirkado loo haysto ka ganacsiga Cabitaano iyo cunooyin dhacay.
Dadkan maxkamadda gobolka Banaadir la horgeeyay ayaa lagu eedeeyay in raashin dhacay iyo cabitaano ay ka bedeleen waqtiga dhicitaanka ayna dib ugu iibinayeen suuqyada.
Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranka ayaana digniin adag u dirtay dadka iyo shirkadaha ka shaqeeya keydinta iyo iibinta raashinka iyo cabitaannada dhacay.