Allbanaadir.com
NEWS

Dowladaa Soomaaliya iyo Canada oo kawada hadlay labo arrin oo dalkeena dan u ah (Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Dr. Cilmi Maxamuud Nuur ayaa Magaalada Sharma Shiikh ee Dalka Masar waxa uu kulan miro-dhal ah kula yeeshay Wasiirka Horumarinta Caalamiga ah ee Canada Mr. Harjit Sajjan iyo masuuliyiintii la socotay.

Kulanka dhax maray labada wasiir ee Soomaaliya iyo Canada ayaa diiradda lagu saaray hannaanka isbadalka dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya iyo dhameystirka arrimaha deyn-cafinta iyo sidii Canada uga taageeri laheyd Soomaaliya deyn cafinta.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in uu kala hadlay Mr. Harjit Sajjan taageerada ay ka geysan karaan saameynta dhaqaale ee isbadalka cimilada oo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalka uu saameynta xoogan ku yeeshay.

Ra’iisul Wasaaraha  Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo Wasiirka Maaliyadda ayaa magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar kaga qaybgalaya shir Madaxeedka sanandlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika oo  ka furmay magaaladaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Carruur iyo dad kale oo saacado badan kaddib laga soo hoos saaray Dhismayaal dumay

Cabdi Cade

Tijaabadii ugu horreysay ee dawada Coronavirus oo lagu guuldarreystay !!

Cabdi Cade

Dowladda Hoose ee Muqdisho oo bilaabeysa hirgelinta mashruuca kabashada dhismaha caasimada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---