Allbanaadir.com
NEWS

Guriga Taliyaha Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada magaalada Garawe oo la weeraray

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimadda Puntland ayaa sheegaya in xalay weerar lagu qaaday guri uu magaaladaasi ka degan yahay taliyaha ciidamada ilaalada madaxtooyada Garawe Gaashaanle Dhaxe Cumar Kheyre.

Taliyaha oo warbaahinta kula hadlay magaalada Garawe ayaa sheegay in gurigiisa weerar kusoo qaadeen ciidamo uu sheegay in ay yihiin maleeshiyaad ka ammar qaata siyaasiyiinta mucaaradka ku ah madaxweyne Deni.

Waxa uu sheegay in gurigiisa lag soo weeraray qorayga dhashiikaha iyo hub kale, isagoona cadeeyay in weerarka lagu soo qaaday uu ilaahey ka badbaadiyay, sidoo kale aysan jirin khasaaro nafeed oo ka dhashay.

Weerarkan ka dhacay magaalada Garawe ayaa imaanaya xilli shalay la shaaciyay in la xaliyay khilaafkii ka taagnaa doorashada qof iyo cod laguna qanciyay siyaasiyiintii diidanaa doorashada in ciidamada taabacsan magaalada ka saaraan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Kenya oo amar cusub ku soo rogtay Masaajida & kaniisadaha Magaalada Nairobi

Caydiid Ali

Meydka Ajakis iyo dad kale oo ku aasnaa Qabuuraha Iskuul Buluusiya oo lasoo saaray

Cabdi Cade

Shirka Dhusamareb 3 oo la xagal daaciyay, qalalaasena madaxa la galay (Fashil Siyaasadeed)

admin
Taboola Ads ---