Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo la baxay Danab oo la wareegay qaar kamid ah qalabkii Doorashooyinka Puntland

Magaalada Garawe ee caasimadda Puntland, ayaa laga dareemayaa xiisad ka dhalatay ciidamo hubeesan oo xoog kula wareegay qaar kamid ah agabkii loogu tala galay in lagu qabto doorashada qof iyo cod.

Ciidamo hubeysan oo taageersan siyaasiyiinta mucaaradka Puntland, ayaa xoog kula wareegay qaar kamid agabkii doorashada loogu tala galay in lagu qabto, waxaana la sheegay in ciidankaasi agabka qaarkood ay gubeen.

Ciidamada qalabka doorashada la wareegay oo la baxay magaca kumaandooska Danab ayaa la sheegay in qaarkood kasoo baxeen furumaha dagaalka magaalada Laascaanood oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen.

Qalabkii doorashada sida sanaadiiqda codeynta doorashooyinka ee loo waday degmooyinka Dangoroyo iyo Burtinle, ayey xoog kula wareegeen ciidamada taabacsan siyaasiyiinta kasoo horjeeda doorashada qof iyo cod, xilli la marsiinayay meelo kamid ah magalada Garoowe.

Ciidamada Danab la baxay hub culus ayaa la sheegay in ay ku sugan yihiin duleedka Garawe, waxa ayna sheegeen saraakiisha ciidankan hoggaamineysa in aysan marnaba aqbali doonin deegaannada ay joogaan in ay ka dhacdo doorasho muwan ku jiro.

Weerarkan ciidamada kula wareegeen agabka doorashada Puntland qaarkood ayaa imaaneysa, xilli isimada gobolka Nugaal sheegeen in xal laga gaaray khilaafkii ka taagnaa doorashada, lagana saarayo Garawe ciidamada mucaaradka taabacsan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Masar: Xad-gudubka Itoobiya kula kacday Somalia waa gardaro”

Caydiid Ali

Madaxweynaha Soomaaliya oo War ka soo saaray dagaalka ka socda degaanka Ceel-Afweyn

Caydiid Ali

Xog Dheeraad ah oo kasoo korortay Qaabkii uu ku baxsaday Wasiir Janan

admin
Taboola Ads ---