Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Hamza Cabdi Berry ayaa magaalada Sharma Shiikh kulan gaar ah kula qaatay dhigiisa dalka Masar Dr. Mustafa Madbouli
Intii uu socday kulanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu sheegay in dalkiisa uu aad ugu faraxsan yahay taageerada Masar ay siiso Soomaaliya inta la ogyahay taariikhda, isagoo caddeeyay in taageerada joogtada ah ee Masar ay ka qeyb qaadaneyso yareynta dhibaatooyinka kana qeyb qaadaneyso xoojinta dib u soo kabashada dalka.
Xamse Barre ayaa sidoo kale kaga warbixiyey dhigiisa Masar guulihii ugu dambeeyay ee ay dawladda federaalku ka gaartay la dagaallanka argagixisada iyo hagaajinta xaaladda ammaanka ee Soomaaliya inteeda badan.
Dhankiisa, Dr. Mustafa Madbouli ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay xiriirka taariikhiga ah ee Masar ay la leedahay Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in Masar ay garab taagan tahay xili walba walaalaha Soomaaliyeed.
Madbouli ayaa sidoo kale soo jeediyay suurta galnimada in sare loo qaado wadashaqeynta Soomaaliya ee dhanka dhoofinta xoolaha, isagoo u soo jeediyay dhinacyada ay khuseyso Masar inay arrintan kala xiriiraan Safiirka Soomaaliya ee Qaahira.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar kaga qaybgalaya shir Madaxeedka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika oo maanta ka furmay magaaladaasi.
Shirka oo ay ka qaybgalayaan madax ka socota Qaaradda Afrika ayaa waxaa sanadkan diiradda lagu saarayaa Isku dubaridka maalgelinta Ganacsiga gaarka loo leeyahay si ay door muhiim ah uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com