Qoys ku nool magaalada Sidney, Australia ayaa lagu amaanay go’aankooda ah inay iska diideen iibsashada guri ay leeyihiin oo bartanka fagaaraha magaalada ku yaalla kaas oo loo gaaray adduun dhan malaayiin lacag ah.
Deriskooda oo dhan waxay isaga guureen fagaarahan halka uu ku yaallo, waxayna degaamaysteen meelo kale oo la siiyay. Laakiin qoyskan ayaa iska diiday dhammaanba lacag walba oo loo gaaray.
Qoyskan mayalka adag ayaa diiday in ay guuraan ,mana qorsheynayaan qoyskan inay ka guuraan hadda iyo goor u dhow. Gurigoodu hadda wuxuu caan ka yahay magaalada Sidney ee dalka Austaralia.
Dusha sare markaad ka eegto fagaarahan waxaad moodaa fagaaraha dhexe ee magaalada New York. Lacag dhan 50 million AUD ($33 million) ayaa markii ugu dambeysay loo gaaray qoyskan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com