Allbanaadir.com
NEWS

Mataano isku dhegan oo Qalliin lagu sameenayo iyo Boqor Salmaan oo taageeraya

Mataano u dhashay dalka Syria waxay shalay gaareen caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh, si qaliin loogu kala waaxeeyo , waxaana gacan weyn ka geesanaya qaliinkan hay’ado Sacuudiga kuyaalla.

Diyaarad adeeg caafimaad leh oo ay leedahay Sacuudiga ayaa lagu geeyay Riyadh Mataanahan isku dhegan iyo Waalidkooda, waxaana mataanahan laga soo qaaday caasimadda dalka Turkiye ee Ankara.

Mataanahan isku dhegan oo lagu kala magacaabo Exsaan iyo Basaam ayaa waxay shalay ka degeen Garoonka Caalamiga ee Diyaaradaha ee King Khalid international Airport ee magaalladda Riyadh.

Carruurta waxaa loo gudbiyey isbitaalka Takhasusiga Carruurta ee King Abdullah Specialised Children’s Hospital, halkaasi oo ay dhakhaatiirta ku daraasayn doonaan xaallada Carruurta iyo suurtogalnimada hawlgal qaliin oo lagu kala waaxayn karo.

Boqorka Sacuudiga, Salman Bin C/Casiis Ala-Sacuud iyo wiilkiisa Dhaxal-suge Maxamed Bin Salman ayaa taageera Barnaamijka lagu kala waaxeeyo mataanayaasha isku dhegan ee la geeyay Sacuudiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Rag lagu tuhmayo in Al Shabaab basaas u ahaayeen oo gacanta lagu dhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wiil dhalinyaro ah oo isku daldalay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Akhriso: 20 Qodob oo laga soo saaray shirkii Ururka Islaamka ee Muqdisho lagu soo xiray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---