Allbanaadir.com
NEWS

WhatsApp oo soo kordhisay adeeg cusub oo ay baahi u qabeyn dadka isticmaala

Shakadda WhatsApp ayaa soo kordhisay adeegyo cusub oo wax u taraya dadka isticmaala, waxa ayna shabakadan tartan adag kula jirta shabakado kale oo soo kordhiyay adeegyo badan oo muhiim ah.

Maamulka WhatsApp ayaa sheegtay inay u oggolaan doonto isticmaaleyaasha inay tafatiri karaan fariimaha ay diraan, waxaana markii hore adkaa in qoraal aad ku dirto bartan aad tifatir ama wax ka bedel ku sameyso.

Shabakaddan ayaana tallaabadaan u qaaday sidii ay tartan ula geli laheyd Telegram iyo Signal oo leh adeegga tifatirka ama wax ka bedelka qoraalada aad ku dirto barahan .

WhatsApp waxay sheegtay in fariimaha la tifaftiri karo ilaa 15 daqiiqo ka dib marka la diro, waxa ayna tallaabadan wax badan u tareysa dadka sida weyn u isticmaala bartan oo ku dhibanaa farriimaha qaldan ee diraan in ay wax ka bedelaan.

Shirkadda Wahatsapp ayaa hadda waxaa isticmaasha dad ka badan 2 bilyan oo qof, waxaan dadka isticmaala ugu badan dadka Hindiya oo ah suuqa ugu weyn, oo ay isticmaalaan 487 milyan oo qof.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxtooyada oo War kasoo saartay Safarka Madaxweyne Farmaajo ku tagayo Mareykanka

Cabdi Cade

Sii hayaha RW: “Argagixisadu ma hakin karto dadaalka nabad ku soo dabaalidda dalka”

Caydiid Ali

Jadwalka Shan Kursi oo lagu dooranayo magaalada Gaalkacyo oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---