Doorashada duqa magaalada Banjul ee caasimadda dalka Gambia ayaa lagu kala baxay, waxaana doorashadaasi mar kale guul taariikhi ah ka gaaray xisbiga mucaaradka ee United Demcratic Party (UDP).
Rohey Malick Lowe oo doorashada ku mataleysay xisbiga mucaaradka ayaa ka guuleesatay musharaxa matalayay xisbiga madaxweynaha Gambia Adama Barrow, waxaana fashilmay isku day xisbiga madaxweynaha ku doonayeen in ay ku guuleestay duqa caasimadda.
Doorashada waxaa kusoo baxday Rohey Malick Lowe , oo horey u aheyd duqa magaalada Banjul, waxaana haweeneydan taageero badan ka heshay dadka caasimadda ku dhaqan oo la dhacay wax qabadkeeda.
Haweeneydan ayaana ah qofka kaliya ee dumar ah ee duq magaalo ka ah dalka Gambia, waxa ayna markii labaad ku guuleesatay in ay noqoto duqa magaalada ugu muhiimsan dalka Gambia ee Banjul.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com