Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Afar qof oo lagu dilay weerar ka dhacay Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Dabley hubeysan ayaa la soo sheegayaa iney galabta ku dileen degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho afar qof.

Falkan ayaa ka dhacay xaafada Jamhuuriya oo ka tirsan degmada Kaaraan markii dabley hubeysan oo wadatay gaari nooca raaxada ah ay rasaas ooda kaga qaadeen goob ay ku sugnaayeen askar iyo dad shacab ah.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ragga weerarka geystay ay ku baxsadeen gaariga ay weerarka ku fuliyeen, iyadoo dadka la dilay ay isugu jiraan labo askarta dowlada ka tirsan iyo labo shacab ah.

Ciidamada amaanka ayaa goobta gaaray, iyagoo qaaday meydadka askarta iyo dadka kale ee weerarkaas lagu dilay, waxaana xaafada Jamhuuriya ka socda howlgal xooggan oo lagu baadi goobayo raggii ka dambeeyey weerarkan.

Maamulka degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaan ka hadlin weerarkan oo caawa si weyn looga hadal hayo xaafada Jamhuuriya ee degmadaas ka tirsan, lamana in falkan ay Al-shabaab ka dambeyso iyo in arrimo kale uu la xiriiro.

Maanta ayey aheyd markii rag hubeysan oo watay mooto bajaaj ay meel ku dhow wadada Warshadaha ku dileen oday da’ ah oo meel waddo ah marayey, iyagoo dhaawacay qof la socday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Labo Oday oo Siyaabo kala duwan isugu dilay Deegaanka Raama-cade iyo Faah faahino laga bixiyay

Cabdi Cade

ATMIS oo ka hadashay weerarkii Al Shabaab saakay ku qaadeen Ciidankooda iyo Jawaabtii ay ka bixiyeen

Cabdi Cade

Maamulka G/Banaadir oo gabay Shaqadiisa iyo shacabka Muqdisho oo isku tashaday (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---