Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Shiico badan oo lagu laayay magaalada Kabul

Weerar is qarxin ah ayaa lagu qaaday xarun dhaqanka iyo diinta u qaabilsan dadka shiicada oo kutaala magaalada Kabul ee Caasimada Wadanka Afgaanistan.

In la xaqiijiyay weerarkan waxaa lagu dilay 40-ruux halka lagu dhaawacay ku dhawaad 50-qof oo kale, waxaana suurto gal ah in khasaaraha inta hada la ogyahay uu kasii bato.

Xaruntan shiicada laheyd ayaa lagu weeraray labo qarax sida ay sheegtay Wasaarada Amniga Afgaanistan, waxaana qaraxyadan ay ahaayeen kuwa xoogan ay fuliyeen dad waxyaabaha qarxa isku soo xiray.

Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Afgaanistan ayaa durba dusha saaratay masuuliyada weerarkan lagu laayay dadkan shiicada ah ee ku sugnaa xarun kutaala magaalada Kabul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Bangiga Aduunka oo Somalia u ogolaaday in la siiyo $55 milyan iyo Wasiir Beyle oo ka hadlay

Cabdi Cade

Dowlada Sacuudiga oo qafiifisey xanibaadii saarneyd dadka dalkaas booqanaya

Caydiid Ali

Raisul Wasaare Rooble oo kulan xasaasi ah la qaatay Tina Intelmann (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---