Inkastoo Soomaaliya aysan lahayn hanaanka madaxweynaha oo dalka ay ku hogaaminayaan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen la isla wada doortay, haddana qaabka ay u dhisan tahay hanaanka siyaasadda Soomaaliya waxey u muuqataa in raisulwasaaraha dowladda uu buuxiyo kaalinta madaxweyne ku xigeenka, isagoo fulinaya meelmarinta qorshaha siyaasadeed ee madaxweynaha lagu soo doortay hirgelintooda. Doorka uu raisulwasaaraha ku leeyahay awooda xukuumadda waa mid ku xiran hadba sida loo joojiyo ama loo jiifiyo, waxeyna xuduudaheedu ku xiran yihiin hadba sida isafgaradka leh oo ay si wadajira ugu wada gaaraan madaxtooyada iyo baarlamaanka.
Nidaamka siyaasadeed ee u dhexeeya hanaanka ku dhisan baarlamaanka iyo kan madaxweynaha ayaa ah midka rasmiga ah oo ay dowladnimada Soomaaliya ku dhisan tahay, hanaankaas oo marka laga fiiriyo dhinaca baarlamaanka awooda xukuumadda siinaya raisulwasaaraha oo lagu ansixiyo codka kalsoonida baarlamaanka, meesha taas bedelkeed uu hanaanka madaxweynaha yahay mid cabiraya in madaxweynaha uu yahay hogaamiyaha rasmiga ah ee doorasho dimoqaraadiya tartan adag xilka ugu soo guuleystey, sidaasna uu ku yahay madaxa ugu sareeya ee laanta fulinta oo xukuumadu ay ku shaqeyneyso meelmarinta qorshihiisa siyaasadeed ee lagu soo doortay, sidaas daradeedna uu leeyahay awooda ugu sareysa ee xukuumadda, loogana dambeynayo isaga jiheynteeda, waxaase loo yaabaa madaxweynaha marka isaga iyo raisulwasaarihiisa ay isku maandhaafan xuduudaha ay awoodahoodu kala leeyihiin oo uu mid walba hiilo garsoor ka raadsado baarlamaanka oo coodsi ku qaba colaadooda.
Hogaaminta Soomaaliya meesha ay ka liidato waa ismaandhaafka ku kala jira fasiraada kala duwan oo ay baarlamaanka iyo madaxtooyada ka kala bixinayaan awoodaha isku dabran ee raisulwasaaraha iyo madaxweynaha. Dabarkaas isku xiraya labada masuul ee ugu sareeya xukuumada ayaa ah meesha ay ka nugushahay iska horkeenidooda, waana taas mida ay ka faa’ideystaan dadka ka careysan mid ka mida ama labadoodaba oo ay ka midka yihiin siyaasiyiinta mucaaradka oo saluugsan tixgelin xumada ay kala kulmaan madaxdaas, wakiilada beesha caalamka oo walaacsan iney waayaan meelmarinta ajendeyaashooda ku dhisan danahooda shisheeye, iyo hogaamiyeyaasha qabiilada oo dulmiga ku doonaya iney xilka ka tuurtaan labada midkood si ay fursad weyn uga dhex helaan saami qeybsiga awooda hogaanka loogu qabanayo xukuumada.
Meesha uu ka nugul yahay madaxweynaha oo sida fudud looga wareeri karo waxey tahay in laga horkeeno raisul wasaarahiisa ama in taas bedelkeeda raisul wasaaraha laga horkeeno madaxweynihiisa. Haddii ay sidaasi dhacdana waxey taas horseedeysaa dhaawac siyaasadeed oo lagu sumcad dilayo madaxweynaha, iyadoo laguu sumadeynayo iney xun tahay go’aan qaadashadiisa la xiriirta hubanti la’aanta uu ku qabo kalsoonixumada ka haysata awood siinta uu qeybo ka mida awoodiisa uu ugu ergeeyey raisulwasaaraha u soo magacawday. Waxaa intaas wehlisa in xukuumadda ay ku imaaneyso burbur aan wakhti yar looga soo kaban karin, taasna waxey madaxweynaha mar labaad u horseedeysaa inuu u nuglaado cadaadiska uga imanaya dadka ka soo horjeeda ama uu wajahayo in laga dilo wakhtiga uu qorshihiisa siyaasadeed wax uga qaban lahaa dadweynaha, taas oo ka dhigeysaa inuu yahay beenlow aan fulin balanqaadyadiisii siyaasadeed ee uu dorashada ku soo galay, waana qodobkaas dambe mida lagu dilayo rajada dib u soo noqoshadiisa.
Dhagaxtuurka siyaasadeed ee lagu yoolbaarayo xajmiga uu la egyahay xoogga uu leeyahay xiriirka isku haya madaxweynaha iyo raisulwasaarahiisa waxaa inta badan tijaabo horudhaca loogu sameeyaa eedaha loo soo jeedinayo oo ku saleysan saluuga lagu cayn-wareejinayo isku dheelitir la’aanta laga dhex curinayo miisaanka awood qeybsiga beeleed ee labada masuul ay siyaasad ahaan ugu kala matelayaan. Waxaa labada masuul dhan walba uga kala imaanaya cadaadisyo ku jiheysan in midba kan kala uu awoodiisa ka soo dhacsado oo ay sameystaan xuduudo kala xanibaya saaxiibtinimadii ay sida kalsoonida leh ugu wada shaqeynayeen. Adeegsiga qabyaaladda ayaa ah mida ugu weyn oo hub ahaan loo isticmaalayo in lagu kala fogeeyo wadashaqeynta labada masuul, waxaana taas xigta laaluushka lagu bixinayo si loo demiyo xasaradahaas oo ay taas ka macaashayaan xildhibaanada hamuunta u qaba xeelada ah kana siib kana saar.
Railwasaaraha waxaa la gudboon inuu garwaaqsado inuusan doorasho ku imaan, xilkana uusan u hayn beel gaara, haddana uu garawsado in dowladda iyo qabyaaladda aysan wada shaqeyn karin inkastoo marar badan ay u muuqdaan kuwo hanaankoodu isku dhex milan yahay marka laga fiiriyo dhinaca awood qeybsiga beelaha ay ku leeyihiin metelaada dimoqaraadiyada dowladda ee ku dhisan beeleysiga (Tribal Demcracy). Raisul wasaaraha waxaa kaloo looga baahan yahay inuu xushmeeyo abaalka uu madaxweynaha ugu soo magacaawday inuu noqdo gacantiisa midig, uguna dhiibey amaanada uu sida kalsoonida leh uu ugu ergeeyey qeybo ka mida awoodihiisa. Waxaa tixgelin gaara mudan in maanka lagu hayo in siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ka soo jeeda heybta raisulwasaaraha aysan ahayn marna kuwo dagaalkoodu ku jiheysan yahay u hiilinta sidii xaq dheeriya lagu siin laha raisulwasaaraha, balse qasadkoodu uu yahay taas bedelkeeda iney ka tuuraan raisulwasaaraha oo bedelkiisa ay ku gorgortamaan dano siyaasadeed oo iyaga u gaara, iyagoo ay qabyaaladu u tahay aalad ay u adeegsanayaan iney ku fulsadaan sidii ay ugu gaari lahayeen ajendeyaashooda shaqsiyadeed
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaraadiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com