Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyey degmada H/wadaag

Kooxda Al-shabaab ayaa shaacisay magaca iyo qabiilka uu ka soo jeedo ninkii maalmo ka hor qaraxa ismiidaaminta ah ka fuliyey xarunta degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho

Magaca ninka isqarxiyey ayey al-shabaab ku sheegtay C/qaadir Cabdullaahi Xaaji Maxed (Malaaq) oo ka soo jeeda Beesha Leysaan ee degta degaanada Koonfur galbeed Soomaaliya.

Wuxuu sanadkii 1417-kii ku dhashay deegaanka Daaru-Salaam ee hoostaga degmada Saakoow ee wilaayada Jubooyinka, halkaas oo uu ku soo barbaaray kuna soo qaatay noloshii hore ee yaraantiisa.

Idaacada andalus ee ku hadasha codka Al-Shabaab ayaa baahisay cod laga duubay ninkan oo sheegaya inuu weerarka ismiidaaminta ah ee uu fuliyey uu ugu dhawaanayo, kuna raali gelinayo ILAAHAY.

Ku dhowaad 10 qof ayaa ku dhintay weerarkan kuwaasoo isugu jiray askar iyo dad shacab ah oo ay ku jiraan caruur wax ka baraneysay dugsi quraan, qaar kalena wey ku dhaawacmeen, waxaana burburay guud ahana xafiisyadii maamulka degmada H/wadaag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo gar gaar deg deg ah u dirtay magaalada Guriceel (Sawirro)

Cabdi Cade

Qaraxyo saakay aroor hore ka dhacay Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Madaxweyne Macron “Xamaas dagaal loogama adkaan karo, xalku wuxuu ku jiraa..”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---