Allbanaadir.com
NEWS

Saraakiil ka tirsan Wasaarada Maaliyada oo loo xiray xatooyo xoolo dadweyne (Akhriso)

Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka oo ku guuleystay in lasoo xiro saraakiil ka tirsan Waaxda canshuuraha Beriga ee wasaaradda Maaliyadda oo ku eedeysan xatooyo xoolo dadweyne.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa lagu sheegay in Xafiiska oo ka duulaya waajibaadkiisa shaqo uu ku guuleystay in la soo xiro saraakiil ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda gaar ahaan canshuuraha berriga kuwaasoo ku eedaysan iney xadeen xoolo dadwayne iyo sameynta dokumentiyo Dawladeed oo been abuur ah sida boonooyin Lacag qabasho oo lagu qoray xog been abuur ah.

Eedaysanayaasha oo kala ah, Khasnajiga Xafiiska Cashuuraha Beriga ee Degmada Warta-Nabadda iyo Madaxii hore Xafiiska Canshuuraha Beriga ee Degmada Warta-Nabadda haddana ah madaxa Canshuuraha Berriga ee Degmada Xamar Jajab & Sarkaal kale.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XEER ILAALIYAHA GUUD EE QARANKA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wasiirkii Waxbarashada oo sharaxay qaabkii xilka looga qaaday & arrintii Jaamacadaha

Caydiid Ali

Xildhibaano katirsan Hirshabelle oo lagu dhaawacay Jowhar iyo Al Shabaab oo ka hadashay

Cabdi Cade

Lamaane Todobo bax u joogay Hotel Afrik oo ku dhintay Weerarkii xalay (Dhacdo murugo leh)

admin
Taboola Ads ---