Allbanaadir.com
NEWS

Guddi ka shaqeenaya kordhinta muddo xileedka dowladda oo shir ku yeeshay Muqdisho

Guddiga ka talo bixinta wax ka bedelka mudo xileedka labada Aqal ee Baarlamaanka Dalka iyo Madaxweynaha ee qodobada 60-aad iyo 91-aad ee dastuurka KMG ah ayaa maanta  Villa Hargeysa ku yeeshay kulan uu shir guddoominayay guddoomiyaha guddiga Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka waxaa ka qeyb galay wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo guddiga xog iyo warbixin dhameystiran ka siiyay horumarada laga gaaray howlgalada dalka looga sifeynayo Al Shabaab iyo sidoo kale horumarada ka jira deegaanadda maleeshiyaadka Al Shabaab laga saaray.

Ugu dambeyn guddiga ayaa ku amaanay ciidamada Qaranka dadaalka ay ugu jiraan in dhulka Soomaaliyeed laga ciribtiro Al Shabaab ,waxayna kula dardaarmeen in ay dadaalkooda laba jibbaaraan.

Guddigan ayaa ka shaqeenaya sidii muddo kordhin ugu sameyn lahaayeen guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka iyo tan madaxweynaha, waxaana jira xildhibaanno si weyn uga soo horjeeda muddo kordhinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Laftagareen oo Balan qaad u sameeyay dadkii laga soo Masaafuriyay Laascaanood (Sawirro)

Cabdi Cade

Wafdigii uu horkacayey Madaxweyne Farmaajo oo gaaray degmada Caabudwaaq

Caydiid Ali

Ciidanka dowladda iyo kuwa Deegaanka oo fuliyay howlgal ka dhan ah Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---