Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Xamse Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambo baxay dalka …

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Sharm El-Sheikh ee dalka Masar.

Xamse Barre ayaa Masar uga qaybgalaya shir madaxeed looga hadlayo Isku dubaridka Ganacsiga gaarka loo leeyahay si ay door uga qaataan dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada.

Kulanka oo ah midka sanadlaha ee Bangiga Horumarinta Afrika ayaa sidoo kale madaxdu uga doodi doontaa caqabadaha heysta dhaqaalaha adduunka iyo doorka bangiyada horumarinta ee caalamiga ah.

Safarka Ra’isul Wasaare Xamse Barre dalka uga ambo baxay ayaa kusoo aadaya xilli madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu isna safaro ku maro qaar kamid ah waddamada Carabta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Internet xumo ka jirta dalal kuyaalla Bariga Afrika iyo Sababta keentay oo la ogaaday

Cabdi Cade

Hadal heyn carro abuurtay oo ka dhalatay Goáan uu soo saaray Duqa magaalada Muqdisho

Cabdi Cade

Madaxweyne Lafta Gareen oo lagu dhax canaantay xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---