Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno la socda ayaa saaka safar qarsoodi ah ku aaday dalka Isutaga Imaaraadka Carabta , waxaana la filayaa in kulamo aan la shaacin la qaato madaxda dalkaasi.
Sida aan xogta ku helnay madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubno kooban oo la socday ayaa u safray dalka Imaaraadka, mana shaacin safarada madaxtooyada Soomaaliya oo horey u shaacin jirtay safarkan uu ku aaday Imaaraadka.
Safarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku aaday dalka Imaaraadka Carabta ayaa noqonaya kii afaraad uu dalkaasi ku tago, lamana shaacin inta badan safarada madaxweynaha ku tago Imaaraadka iyo waxa kasoo baxo.
Xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ayaa muddooyinkii dambe soo hagaagayay, waxaana dalkaasi safaro kala duwan ku tagay madaxweynaha iyo madax kale oo katirsan dowladda Soomaaliya.
Safarka madaxweyne Xasanm Sheekh ku aaday dalka Imaaraadka Carabta ayaa kusoo aadaya xilli maalmo kahor safar ku tagay dalka Qatar ,sidoo kale dalka Sacuudiga uga soo qeyb galay shirkii madaxda Jaamacadda Carabta.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com