Allbanaadir.com
NEWS

Qarax la doonayay in lagu weeraro guri kuyaalla Muqdisho oo la fashiliyay

Ciidamada booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa u tababaran kahor taga qaraxyada ayaa saakay fashiliyay qarax miino oo la dhigay daaqada guri kuyaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

War kasoo baxay taliska ciidanka booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in dadka deegaanka heleen xogta qaraxa miino ee la dhigay daaqada guri kuyaalla degmadaasi, waxa ayna dadka deegaanka durba ku war-geliyeen booliiska oo fashiliyay qaraxaasi.

Ciidamada booliiska gaar ahaan kuwa baarista miinooyinka ayaa ku guuleestay in ay qarxiyaan miinada, waxa ayna booliiska sheegeen in qaraxaasi uusan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay.

Qaraxa miino ayaan la ogeyn cida la doonayay in lagu weeraro, waxa uuna qaraxan la fashiliyay imaanayaa, xilli saakay qarax miino oo khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac Dayniile loogu geestay askar katirsan milatariga Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye Ciidan oo Al Shabaab dileen oo loogu magac-daray Iskuul weyn (Wareegto)

Cabdi Cade

Khamro la sheegay in sidii caanihii oo kale looga cabo magaalo kutaala Soomaaliya

Cabdi Cade

DF oo War ka soo saartay qaraxii qabsaday Kolonyada Madaxweynaha

Caydiid Ali
Taboola Ads ---