Allbanaadir.com
NEWS

Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya (Sawirro)

Qarax nuuca miinada soo boodada ah oo dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta ka dhacay laamiga dheer ee degmada Dayniile, gaar ahaan halka loo yaqaan ceelka Ifis.

Sida aan wararka ku helnay qaraxan ayaa lala eegtay gaari nuuca ciidanka ah oo ay wateen ciidamo katirsan booliiska sida milatariga u tababaran ee ka howlgala qeybo badan oo kamid ah caasimadda Muqdisho.

Qaraxa miino ayaa la sheegay in uu haleelay gaariga ciidanka la socdeen, waxaana inta la xaqiijiyay u ku dhintay qaraxa hal askari oo katirsanaa ciidamada, halka ay ku dhaawacmeen labo askari oo kale.

Ciidamo katirsan booliiska ayaa gaaray goobta uu ka dhacay qaraxa miino, lamana soo sheegin ciidamada dad ay usoo qabteen qaraxa miino ee ka dhacay laamiga dheer ee degmada Dayniile.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Deni oo Daah-furay imtixaan ay u fariisteen kumanaan arday ah (Sawirro)

Cabdi Cade

Nin ku faanay in uu gudaha u galay Twitterka Madaxweynne Trump oo Su’aalo la weediiyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Biden oo fasaxay Mashruuc hub iyo diyaarado looga iibinayay Dowlad Carbeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---