Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo safar ku maraya deegaanno katirsan gobolada Puntland ayaa booqday Qabriga Alle ha u naxariistee Shiikh Cabdiraxmaan Ismaaciil Jabarti (Daarood) oo ka mid ahaa Odeyaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee ay kasoo farcameen qaar ka mid ah qabaa’Ilka Soomaaliyeed.
Siciid Deni iyo masuuliyiin la socotay ayaa tagay halka uu ku aasan yahay Sheekh Daarood, waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay dadka deegaanka iyo sidoo kale culumaa’udiin ku sugnaa halka uu ku aasan yahay Daarood .
Madaxweynaha ayaa u duceeyay Marxuumka, wuxuuna Salaan iyo xogwareysi la yeeshay culimada gacanta ku haysa xarunta, Sidoo kale waxaa uu Madaxweynuhu booqday oo usoo duceeyay Qabriga Marwadii Shiikh Daarood oo iyana halkaasi ku aasan.