Allbanaadir.com
NEWS

Lacagaha ay ku xajinayaan xujeyda reer Afgaanistan oo ka yar kuwa Soomaaliya

Xujeyda sannadkan gudanaysa waajibaadka xajka qaarkood ayaa bilaabay in ay gaaraan dhulka barakeesan ee kuyaalla Sacuudiga, waxaana sanandkan la filayaa in ay xajiyaan muslimiin aad u fara badan oo daafaha dunnida ka kala tagaya.

Dalka Afgaanistan ayaa sannadkan la siiyay dad gaaraya 30,000 oo qof in ay soo xajiyaan, waxaana dufcadii ugu horeesay dadkaasi xujeyda ah oo gaaraya 786 qof durba gaareen boqortooyada Sacuudiga .

Xujeyda reer Afgaanistan ayaa lacagta qof kasta ku xajinayo sannadkan lagu sheegay in ay gaarayso lacag dhan 340,000 ee Lacagta dalkaasi oo loo yaqaano Afghani oo u dhiganta $3,924 Dollarka Maraykanka.

Wasaaradda Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya ayaa sannadkan go’aamisay in qiimaha Xajka lagu aadayo u dhan yahay 4,484 dollar, lacagtaas ayaana dowladda Soomaaliya sheegtay in ay ka yar tahay kuwii sannadihii hore laga qaadi jiray xujeyda.

Soomaaliya ayaa kamid ah dadka lacagaha badan looga qaado gudashada waajibaadka Xajka, waxaana xusid mudan in xujeyda Soomaaliyeed adeegga ay helaan ay ka hooseeseyo kuwa waddamada kale helaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo cusub oo dhoolatus ku soo bandhigay Xeebta garoonka Aadan cadde (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Ruushka oo xoojiyay Duqeymaha uu ku garaacayo magaalo dhawwaan lagala wareegay

Cabdi Cade

Ciidanka ATMIS ka baxay saldhig muhiim ah (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---