Safiirkii dowlada Soomaaliya u fadhiyay dalka Sacuudiga Saalim Macow Xaaji ayaa inuu iska casilay xilkaas, isagoo ka cabanaya madaxa hab-maamuuska Madaxweyne Xasan Shiikh Hinda Culusow
Qoraal uu soo saaray danjiraha ayuu ku sheegay in laga hor joogsaday ka qeybgalka shir madaxeedkii 32-aad Jaamacada Carabta oo lagu qabtey magaalada Jeddah 19-ka May, 2023, kaasoo ay ka qeyb galeen madaxda Carabta oo uu ka mid ahaa madaxweyne Xassan Shiikh.
“Waxaan caddeynayaa in madaxa barotokoolka Madaxweynaha Hinda Culosow iila dhaqantey si akhlaaq xumo ah, iina geysatey aflagaado bareer ah, waxaan dhacdadan la socodsiiyey Wasiirka arrimaha dibeda balse waa ka gaabsaday inuu fara geliyo Arintan oo baalmarsan curfiga diblomaasiyada caalamka oo ah in safiirka dalka martida loo yahay inuu ka mid noqdo shirarka lagu qabanaayo dalkaasi ee uu Madaxweynaha ka qeyb galayo,” ayuu ku yiri qoraalka.
Saalim Macow Xaaji ayaa sheegay in Hinda Culusow ay kula dhaqantay qaab bahdilaad ah, ayna gaartay heer ay xitaa kala ilaaliso isaga iyo Madaxweynaha dalka uu metelo.
Ma jiro illaa hadda war arrintan ku saabsan oo ka so baxay Villa Somalia, waxayna fadeexad iyo bar madow ku tahay booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa ku joogaan dalka Sacuudiga.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA ISCASILAADA SAFIIRKA