Ciidanka qaranka waa astaanta kowaad oo ay leedahay dowlada dadweynaha, waxeyna cudud u tahay difaaca jiritaankeeda iyo meelmarinta habdhaqanka dowladnimadeeda. Ummaddu waxey leedahay cadow guud oo bulsho kasta oo ah qeyb ka mida shacabka guud aysan keli ahaanteed iska difaaci karin, taas oo kaliftay baahida loo qabo curinta dowlad qaran oo dhista difaac guud oo ay ku mideysan yihiin dhamaan qeybaha kala duwan ee ummadda. Dhisida ciidan qaran waxey ka dhalatay baahida ay dadweynuhu u qabaan oo eysan sinaba uga maarmi karin difaaca jiritaanka xuquuqda iyo xoriyada ay ku leeyihiin wadaniyada dowladnimadooda, iyo ilaalinta lagu dhowrayo danahooda guud iyo kuwooda gaar ahaneyd. Dowladda si ay u dhisto ciidan qaran oo u adeega maslaxad danta guud ee dadweynaha, waxey shacabka lagama maarmaan uga dhigeysaa bixinta canshuurta lagu fuliyo adeegyada dadweynaha oo hawlgalka ciidanka qaranka uu mudnaanta kowaad ku leeyahay.
Dowladda Soomaaliya kama hesho maaliyad ku filan oo ay dadkeedu bixiyaan oo lagu dhiso ciidan qaran ama lagu bixiyo hawlgalada ay ku fuliyaan difaaca dowladda iyo sugida degenaanshaha amniga dadweynaha, waxeyna taas ku qasabtay madaxda dowladda iney magansato shisheeye ka kaalmeeya qarashka ku baxaya dismaha ciidan oo ah maleeshiyaad qarana, kuwaas oo aan ka madaxbanaaneyn danaha shisheeyaha maalgelinaya iyo halista sirdoonadooda lagu dhex beerayo oo si qarsoon u abaabulaya qiyaanooyinka qorsheysan ee lagula kacayo madaxda dowladda iyo waxgaradka maslaxadda wadankooda ka difaacanaya burburka ka dhalanaya saameeynta ay wadato waxyeelada ka dhalanaya meelmarinta danaha shisheeye. Dhismaha maleeshiyaadkaas ay shisheeyuhu dhisaan waa kuwo dhaqan ahaan aan lahayn asluub wanaagsan oo ay ku dheehan tahay Sharaf badan sida lagu yaqaan ama laga filayo iney ka muuqato heybada ay astaanta u leeyihiin ciidan qaran.
Maleeshiyaadkaas ah ciidanka qaran waxaa qeybo ka mida soo tababara dowladaha Qatar iyo Imaraadka, kuwaas oo saameyn taban ku leh ujeedooyinka iyo danaha ay dhismahooda u maalgeliyaan. Dowladda Qatar waxey mustaqbalka fog indhaha ku haysaa in Soomaaliya ay noqoto dowlad ay ka taliyaan wadaado xagjira oo boqortooyadooda hoos yimaada, hiilna ay uga dhigato cududooda ciidan marka ay timaado fulinta danaha ay ka leedahay deegaanada Khliijka iyo kuwa ka ag dhow, waxeyna sidaas ku fulineysaa qorshe ahaan iyadoo xagjiriinta ku dhex beerta ciidanka dowladda, kuwaas oo mustaqbalka awood u yeesha sameynta dilal qorsheysan iyo iney ridaan dowladda oo ay dhistaan midooda. Dowladda Imaraadka waxey qorshaheeda dhow tahay iney Soomaaliya noqoto maxmiyadeeda oo ay ku xukunto shirkado horseeda maalgashiga dekedaha ku yaal xeebaha Soomaaliyeed, waxeyna dooneysaa iney danaheeda ku difaacato maleeshiyaad ay ku dhex misho ciidanka dowladda, kuwaas oo sirdoon ahaan awood weyn ku dhex leh ciidanka dowladda, fursadna u leh iney iska horkeenaan ciidamada haddii caqabad la geliyo fulinta danahooda shisheeye ama ay ciidanka ka horkeenaan madaxda qaranka.
Maleeshiyaadka ah ciidanka qaranka waxaa dhexdooda aad ugu weyn dhaqanxumooyin ay adag tahay in laga suuliyo, kuwaas oo ay ka mid yihiin: u nuglaanta gunooyinka ay hanti ahaan uga helaan wadamada shisheeyaha oo maamulidooda qeybta ka ah, musuqa maamulkooda ka dhex jira, dareen caadifad qabiil oo ku dhex beeran, isticmaalka maandooriyaha qeybihiisa kala duwan, gelista dembiyo dagaal xiliga ay ku jiraan hawlgalada oo ay boobaan hantida rayidka ama ay geystaan kufsi ama ay ku takrifalan awooda hubka oo ay ku dilaan dad aan waxba galabsan, dhigashada isbaarooyinka ay dadka ku baadayaan oo ay ku dhacayaan agabka fudud oo ay dadku wataan, kuna xanibayaan isku socodka dadka iyo agabka saran gaadiidka dadweynaha, u adeegsiga danaha gaar ahaaneyd ee madaxda meesha looga baahnaa u adeegida danaha qaranka, u adeegsiga caburinta xuquuqaha iyo xoriyadaha wadaniyiinta dadweynaha, dhaqanxumo jinsi, israsaaseyn dhexmarta qeybahooda kala duwan oo si joogto ah dad shacaba ay markasta wax ku noqdaan, sameynta gadoodyo kedisa oo ay ku cuuryaaminayaan hawlaha adeegyada ay wadaan madaxda dowladda, iyo ka qeybqaadashada dhagaro qarsoon oo lagu fulinayo dilal qorsheysan.
Ciidankaas maleeshiyaadka qaran ah dhibka ay geysanayaan waxaa ka badan midka loo geysanayo, waxeyna inta badan ku shaqeeyaan mushaar aad u liita oo aysan si joogto ah u helin, iyagoon haysan daryeel caafimaad iyo mid waxbarasho oo ay aqoonta xirfadahooda ku kororsadaan, guno hawlgabnimo oo aysan lahayn marka ay naafoobaan ama ay duqoobaan, iyo intaas oo ay weliba u dheer tahay maxkamadeyn ay ku muteystaan xukuno ciqaabtoodu ka badan tahay heerka fal dembiyeedka ay galaan, kuwaas oo xeerarka loo adeegsanayo ay yihiin kuwo duuga ah oo uu ka tegey xukunkii keliteliska mileteriga ahaa oo ay haddana u wehliso garyaqaano xaakimiin ah oo aqoontooda garsoor aysan ahayn mid la hubo tayadooda, iyagoo inta badan fuliya amarada madaxda sare ay telefoonada ugu yeeriyaan, iyo weliba eedeysaneyaasha ah ciidanka dhalinyarada ah oo ay hooseyso waayoaragnimadooda ciidan oo aan helin qareeno maxkamada horteeda uga difaaca dembiyada lagu soo oogey.
Shacabka soomaaliyeed waxaa looga baahan yahay iney bixiyaan canshuurta loogu qidmeynayo adeega dadweynaha, waxeyna tilaabadaas ay taagero weyn u tahay madaxbanaani isku maamulida dowladnimadooda, taas oo ay dowladdu uga maarmeyso faragelinta lagu hayo arrimaheeda gudaha, gaar ahaan ku dhex jirka ay wadamada shisheeyaha la maamulayaan ciidanka dowladda, kuwaas oo ay liidato agabka, sahayda, gadiidka, qalabka, iyo hubka ay ku gudanayaan waajibaadka qaran. Marka ay dadweynuhu gutaan xilka ka saran waajibaadka ay masuuliyadiisa xuquuq ahaan ay dowladdu uga baahan tahay, ayaa waxaa suurtoobeysa in la helo ciidan qaran oo dishibiliin dowladnimo iyo kala dambeyn ku hawlgelaya. Haddii aysan shacabku qaadan doorkooda ku aadan dhismaha dowlad u adeegta wanaaga maslaxada ummadnimadooda, waxaa meesha ka baxeysa eeda loo soo jeedinayo madaxda dowladda ee la xiriirta ku tiirsanaanta kaalmada wadata danaha shisheeye, waxaana dhibaatada ay dowladda, dadka, iyo dalka u geysanayaan shisheeyuhu masuuliyada waxyeeladooda qeyb ka noqonaya shacabka gabey iney bixiyaan canshuurta loogu adeegayo danta guud ee dadweynaha.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaraadiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com