Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Wasiir ka tirsan Dowlada Somalia oo booqday dhaawacyada ciidanka SSC

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Jaamac Xasan Khaliif oo booqasho ku maraya gobolada SSC ayaa booqday Isbitaalka guud ee magaalada Widhwidh oo ay yaaliin dhaawacyada ciidanka difaaca SSC.

Jaamac Xasan Khaliif ayaa waxaa booqashadaas ku wehliyey masuuliyiin iyo odayaal dhaqameedyo ka tirsan Maamulka SSC.

Wasiirka oo shalay gaaray laascaanood ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay guddiga 33 ee SSC ee maamula Magaaladaas.

Xaalada magaalada Laascaanood ayaa degan inkastoo mararka qaarkood ay dagaalo ka dhacaan hareeraha magaalada, kuwaasoo dhexmara ciidamada SSC iyo kuwa Somaliland ee halkaas isku hor fadhiya.

Somaliland ayaa marar badan ku eedeesay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood in ay qeyb ka tahay dowladda Soomaaliya ayna tageen Laascaanood masuuliyiin iyo taliyaal ciidan oo katirsan dowladda Soomaaliya.

Dagaalka Laascaanood ee ku billowday dilka Cabdifataax Hadraawi iyo dilal badan oo ka horeeyey ayaa wuxuu u xuubsiibtay qaddiyad siyaasadeed iyo mid beeleed, illaa hadana ma jiro ifafaale muujinaya in xal waara laga gaarayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xiisad Caawa ka taagan magaalada Cadaado iyo Wasiir taageersan Xaaf oo Ciidamo badan …

Cabdi Cade

Carruur ay Soomaali ku jiraan oo muhaajiriin ah oo laga qaaday dalka Greece

Cabdi Cade

(Sawirro) Cali Guudlaawe iyo Max’uud Macalin Cabdulle oo labo arrin ka wada hadlay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---