Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dhismaha Safaarada Qatar ku leedahay Magaalada Khartuum oo la weeraray

Weerar iyo Bililiqo xooggan ayaa loo geystay Dhismaha Safaarada Dowladda Qatar ku leedahay caasimadda  Sudan ee Khartoum.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan ayaa lagu sheegay inay Kooxda Gurmadka degdega ee RSF boob xooggan u geysteen Safaarada Qadar, waxayna si kulul cambaareeyeen bililiqadaasi

Bayaanka ayaa lagu xusay inay Ciidanka RSF boob u geysteen Qalabkii Safaaradda yaallay, sida Kombiyuutarada iyo Gaadiidka Safaaradda, isla markaana ay burburiyeen hantidii kale ee ay Safaarada Qatar lahayd.

Xiliga uu weerarkan dhacay ayaa waxaa safaarada joogay ilaalo kooban, iyadoo dowlada Qatar ay horey diblomaasiyiinteeda ugala baxday magaalada Khartuum.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa cambaaraysay Boobka loo geystay Safaaradaha dalalka Qatar, Sacuudiga iyo Turkiye ku leeyihiin Caasimadda dalka Sudan ee Khartoum.

Todobaadkii hore, Dhismaha Safaaradda Somalia ku leedahay Caasimadda dalkaasi ee Khartoum ayaa la bililiqeystay, waxaana lagu eedeeyey inay Ciiddanka Gurmadka Degdega ee RSF ka dambeeyeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dad badan oo u geeriyooday Daawada jeermiska disha oo Sabab yaab leh u cabeen

Cabdi Cade

Ciidamo Gadoodsan oo la wareegay kantaroolka waqooyi ee Gaalkacyo iyo gaadiid badan oo…

Cabdi Cade

Keating oo ka hadlay dhacdadii ugu weyneyd ee uu la kulmay mudadii uu Somalia joogay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---