Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Milateriga Sudan & kuwa ka horjeeda ee RSF oo heshiis cusub kala saxiixday

Milateriga Sudan iyo kuwa ka soo horjeeda ee RSF ayaa ku heshiiyay xabbad joojin ku meel gaar ah oo laga sameeyo Sudan.

Xabbad joojino Dhowr jeer ay ku heshiiyeen ciidamada Sudan iyo xoogaga Taakulaynta degdega ah RSF ayaa horay u fashilantay.

Balse wararka ayaa sheegaya in heshiiska cusub ee xabad joojinta lagu dhaqan gelin doono habka la socodka xabbad joojinta iyo kormeerka sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Mareykanka iyo Sacuudiga oo heshiiskan ka soo shaqeeyey.

Labada dhinac waxay isku raaceen in dib loo soo celiyo adeegyadii muhiimka ahaa todobada cisho ee ay xabad joojinta socoto sida ku xusan heshiiska.

Wakiilo ka kala socda Milateriga Sudan iyo kuwa ka soo horjeeda ee RSF ayaa heshiiskan cusub ku kala saxiixday wadahadalo ka socday magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.

Heshiiska xabad joojinta ee ay labada dhinac gaareen waxa uu dhaqan geli doonaa Habeenka Isniinta, abaaro 9:45 daqiiqo ee Fiidnimo ee xilliga dalkaasi oo u dhiganta 7:45 daqiiqo ee Xilliga GMT.

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Maraykanka,  Anthony Blinken waxa uu shalay subax oo Sabti ahayd Khadka Telefoonka kula hadlay Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan, ahna Taliyaha Guud ee Milliteriga dalkaasi,  Jeneral C/Fataax Al-Burhan.

Qoraal uu Xoghaye Blinken soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inuu Al-Burhan kala hadlay Wada-xaajoodka socda iyo Heshiiska XJJ kooban ee la gaaray, wuxuuna xusay inuu hadafku yahay sidii loo fududeyn lahaa inuu Gargaarka Aadminimada iyo Adeegyada kale ee Samafalka loo gaarsiin lahaa Shacabka Sudan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Askari dil caro badan dhaliyay ka geestay Muqdisho oo xukun adag lagu riday

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Sida Quruxda badan ee Garawe loogu soo dhaweeyay Madaxweyne Farmaajo

admin

Dil goordhaw ka dhacay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---