Allbanaadir.com
NEWS

DF oo dib u dhigtay Imtixaanka shahaadiga ee ardada Magalada Baladweyne (Sababta)

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Mudane Hamza Abdi Barre ayaa sheegay in dib loo dhigay Imtixaanka shahaadiga ah ee ardayda Magaalada Beledweyne sababo la xiriira fatahaadda uu sameeyey webiga Shabeelle.

Xamse Barre ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad lagu shaaciyey natiijada Macallimiintii u tartamaayey shaqada ay soo bandhigtay Wasaaradda waxbarashada.

Waxaa uu sheegay in magaalada Baladweyne ay ka jirto xaalad bani aadamnimo oo aan saamexeynin in laga qabto imtixaanka shahaadiga ah ka dib markii ay fatahaada webiga ka qaxeen kumanaan qoys.

Xamse Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah xarumihii Waxbarashada Balad-weyne ay saameysay fatahaada sidaas awgeedna aysan suuragal aheyn in xiligan lagu qabto imtixaan.

“Ardayda Baladweyne waxaa loo diyaarin doonaa imitixaan gaar ah oo ay geli doonaan marka ugu horeysa ee suuragal noqoto, wasaaradaha waxbarashada heer federaal iyo dowlad goboleed ayaana  arrintaas ka wada shaqeyn doona” ayuu yiri Xamse Barre.

27ka bishan May ayaa lagu wadaa inuu qeeybo ka mid ah dalka ka bilowdo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sare sida ay horey u shaacisay Wasaarada waxbarashada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Shirkii Dhuusamareeb 3 oo Fashil ku dhow & Wararkii ugu danbeeyay Ciidamo badan oo lageeyay Gedo & Ceel-buur!!

admin

Qoyska Gabar kufsi iyo Dil u geesteen Ciidamo katirsan dowlada oo Cadaalad dalbaday

Cabdi Cade

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyada dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---