Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) NISA oo qabatay Konteynar kale oo Al-shabaab u waday qalab Milateri

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ayaa Dekadda Muqdisho ku qabtay Konteenar siday alaabo ay ciidamadu adeegsadaan oo ay ku jiraan Saanad ciidan kuwaas oo loo waday Al-Shabaab.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cali Xaggaa ayaa sheegay in Sirdoonka Soomaaliya ay si dhow ula socdeen Saanaddan ciidan ee lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan dalka loo soo galinayay, kadib howlgal guuleystay oo gacanta lagu soo dhigay.

Sidoo kale Wasiiru dowlaha Wasaaradda amniga Gudaha Maxamed Cali Xaggaa iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Caddaala oo si wadajir ah shir jiraa’id u qabtay ayaa tilmaamay in sirdoonka Soomaaliya uu ku guuleystay la socoshada dhaq dhaqaaq walba oo Al-shabaab dooneyso inay ku dhagarto shacabka, taasina ay sahashay in la helo xogtooda.

Wasiiru dowlaha Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cali Xagaa ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku dadaaleyso inay dardargaliso dagaalka ka dhanka ah al-shabaab oo hadda ka socda Gobollada dalka si amni looga dhigo Caasimadda iyo gobolada dalka oo idil.

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa 18-kii bishaan Dekadda Muqdisho ku qabtay Konteenar lagu soo qariyey Saanad ciidan oo loo waday khawaarijta Shabaab, kaasoo ku jireen alaabi Ciidan oo kala duwan.

“Dekada iyo Garoonka Aadan Cadde ayaa ah labo il oo dalka u muhiim ah, qabashada qalabkaan iyo alaabaha ayaa cadayn u ah shaqada adag ay haayaan Hay’adaha ammaanka wadanka iyo sida uu u xoogaysatay xogta sirdoonkeena” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Sacuudiga oo ku dhawaaqey iney beri tahay Maalinta 1aad ee ciidul Fitriga

Caydiid Ali

Cali Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Aqalka sare oo arimo muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Itoobiya oo War kasoo saartay afgambiga ka dhacay dalka Sudan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---