Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sidee u dhintay Mahad Cagaduub, Wax yar ka dib markii ay qabteen ciidanka DF?

Madaxii Al-shabaab u Qaabilsanaa Zakawaatka deegaano ka tirsan Gobalka Galgaduud ayaa wadno Istaag u dhintay isagoo isku dayaya inuu Orad uga baxsado ciidanka Xoogga dalka sida ay sheegtay warbaahinta dowlada

Mahad Cagaduub oo ahaa madaxii zakawaadka  Deegaanada Meexaan, Towfiiq, Cali afrax, Bud bud iyo Ceel raydab ayay warbaahinta DF sheegtay in  maanta duhurkii lagu soo qabtay kadib Howlgal ay Ciidamada Dowladda ka sameeyeen Degaanka Towfiiq  oo 15km dhanka Waqooyi kaga Beegan degmada Galcad.

“Koox ka tirsan Argagaxisada Naflacaariga ah ayaa weerar Arbushaad ah ku soo qaaday Ciiidankii soo qabtay Xiligaas ayuuna isku dayay inuu baxsado laakiin  markii uu 3km  ordayay ayuu wadnaha istaagay wuxuuna ku dhintay bartii iyadoo wax rasaas ah lagu dhufan” ayaa lagu yiri qoraal ay baahisay warbaahinta DF

Ciidamada Dowladda ayaa sidoo kale la sheegay iney Gacanta ku hayaan qaar ka tirsan ka tirsan Al-shabaab oo  isla howlgalkaasi ay kusoo qabteen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mid kamid ah Wadamada Islaamka oo dhisanaya Caasimad cusub iyo hal Sabab oo keentay

Cabdi Cade

Madasha Xisbiyada Qaran oo ka jawaabtay hadalkii ka soo yeeray RW Khayre (Akhriso)

Caydiid Ali

Warar kala duwan oo kasoo baxaya Sababta loo baajiyay kulankii Golaha Wasiirada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---