Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Axmed Madoobe oo qodobo xasaasi ah kala hadlay safiirada Kenya & Britain (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam oo Safar Shaqo u jooga Magaalada Muqdisho ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Dowladda Kenya u fadhiya Soomaaliya Maj. Gen. Thomas Chepkuto.

Madaxweynaha Jubaland iyo Safiirka Kenya ee Soomaaliya ayaa kawada hadlay qodobo ay ka mid yihiin furista xuduudaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya oo ahmiyad wayn u leh Shacabka labada dal ee dhinacyada socdaalka, isdhaafsiga badeecooyinka iyo hormarinta dhaqaalaha labada wadan.

Inta uu kulan ku socday waxaa kale oo masuuliyiintu ay ka wada hadleen arimaha amniga iyo howlgalada ay Jubaland ka wado qeybo badan oo kamid ah gobolada Jubaland kuwaas oo lagu cirib tirayo Al-shabaab.

Kenya ayaa saaxiibka ugu weyn ee Maamulka Jubbaland, iyadoo kumanaan ka tirsan ciidamada Kenya oo qeyb ka ah howlgalka ATMIS ay joogaan magaalada Kismaayo iyo degaano kale oo ka tirsan Jubada hoose.

Dhowaan ayey aheyd markii kulan ka dhacay magaalada Nairobi ay dowlada Kenya ku shaacisay iney dib u fureyso xadka ay la wadaagto Somalia oo xirnaa muddo 12 sano ah, waxayna talaabadan wax ka tareysaa isku socodka ganacsiga iyo shacabka labada dhinac ee xadka.

Dhinaca kale, Axmed Madoobe, ayaa maanta kulan la qaatay safiirka Dowladda UK u fadhiya Soomaaliya Mike Nithavrianakis.

Madaxweynaha Jubaland iyo safiirka UK ee Soomaaliya ayaa kawada hadlay xaaladda guud ee dalka, iyo taageerada Dowlada UK ee dhinacyada horumarka iyo amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Al-shabaabkii ugu badnaa ay soo galeen Magaalada Muqdisho?

Caydiid Ali

Haweeneydii ugu horeesay oo iyada oo kamid ah Senetka Mareykanka oo dhashay

Cabdi Cade

Qarax Hadiyad ah oo lagu dilay Vladen Tatarsky iyo Labo haween ah oo la raadinayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---