Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir katirsan Xukuumadda Soomaaliya oo tagay furumaha Dagaalka Laascaanood

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya, Jaamac Xasan Khaliif ayaa tagay furumaha hore ee dagaalka magaalada Laascaanood, halkaas oo muddo biyooyin ah ku dagaalamayaan ciidamada SSC ee deegaanka iyo kuwa maamulka Somaliland.

Sida aan wararka ku helnay wasiirka iyo xubno kale oo la socday ayaa booqasho aan horey loo shaacin ku tagay magaalada Laascaanood, waxa uuna intii uu joogay la kulmay guddiga Isimadda ee ka kooban 33-da xubnood.

Wasiir Jaamac ayaa wararku sheegayaan in uu tagay furumaha hore ee isku hor fadhiyaan ciidamada dadka deegaanka Laascaanood iyo ciidamada maamulka Somaliland, waxa uuna halkaasi kula kulmay saraakiisha ciidamada SSC hoggaamineysa.

Maamulka Somaliland ayaa marar badan ku eedeesay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood in ay qeyb ka tahay dowladda Soomaaliya ayna tageen Laascaanood masuuliyiin iyo taliyaal ciidan oo katirsan dowladda Soomaaliya.

Wasiirkan katirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa noqonaya masuulkii ugu sareeyay oo katirsan dowladda Soomaaliya oo taga magaalada Laascaanood, oo muddo bilooyin ah ka socdaan dagaalo dhiig badan ku daatay oo u dhaxeeya SSC iyo Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Tartanka Wadaag Cup ee Muqdishu Cable Tv oo jaamacadaha Muqdisho loo qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Ujeedada ka danbaysa kulanka madaxda dowlada goboleedyada & Amar kasoo baxay madaxweynaha Puntland !!

admin

Wararkii Ugu Dambeeyay dagaalka u dhaxeeya Milatariga Itoobiya iyo maamulka Tigrey

Cabdi Cade
Taboola Ads ---