Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo weerar afka ah ku qaaday Siyaasiyiinta damaciisa kasoo horjeeda

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta reer Puntland ee xilligan kasoo horjeeda damaciisa hir-gelinta doorashooyinka qof iyo codka ah.

Siciid Deni ayaa ku tilmaamay siyaasiyiinta kasoo horjeeda doorashooyinka golaha deegaanka ee 25-ka bishan bilaabanaya Puntland ,kuwa maalin cad riyoonaya oo kasoo horjeeda dimuquraadiyada Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa ku adkeestay in ay qabsoomayaan doorashooyinka golayaasha deegaanka oo siyaasiyiinta mucaaradka u arkaan mid uu Deni ku doonayo muddo kororsi dheeraad ah, maadaama dhowr bil kaliya ka hartay muddo xileedkiisa.

“Koox yar oo riyo ku jira ayaa diidan dowladnimada iyo dimuqraadiyadda Puntland. Waxaa la arki jiray dad habeenkii riyooda. hadda waxaa soo baxay kuwa maalintii riyoonaya. Waxaan rajeynayaa inay riyadaas kasoo kacaan oo runta usoo daadegaan,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Siyaasiyiinta mucaaradka madaxweyne Deni oo u badan saaxiibadii horey soo dhisay ayaa si weyn uga soo horjeeda doorashada qof iyo cod oo la filayo in 25-ka bishan ka bilowdaan deegaanno katirsan Puntland, waxa ayna qaadaceen doorashada qof iyo cod.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Booliiska Maraykanka oo qabtay ninkii toogtay saddex arday oo reer Falastiin ah

Caydiid Ali

(Sawirro) Ilhan Cumar oo xaflad soo dhoweyn ah loogu sameeyey Madaxtooyada Puntland

Caydiid Ali

Saraakiishii ugu badneyd oo loo xirxiray weerarkii shalay lagu galay xarunta Otta otta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---