Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Nadaafad ka bilaabatay Xaruntii degmada H/wadaag ee qaraxa lagu burburiyey (Daawo Sawirro)

Howlo nadaafadeed ayaa ka bilowday xarunta degmada Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho oo shalay uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabo qarxa laga soo buuxiyey.

Dad isugu jira dhalinyaro, haween iyo qeybaha bulshada ayaa ka qeyb qaadanayey ololahaas, iyagoo gurayey qashinka ka dhashay haraaga qaraxii shalay.

Dhamaanba xafiisyadii Maamulka degmada Howlwadaag ayaa ku burburay qaraxaas oo ay ku dhinteen ku dhowaad 10 ruux oo isugu jiray askar iyo dad shacab ah halka qaar kale ay ku dhaawacmeen.

Wasiir ku-xigeenka warfaafinta Somalia ayaa shalay shaaciyey in dowladu ay dib u dhis ku sameyneyso xarunta burburtay ee degmada H/wadaag isagoo cambaareeyey weerarkan oo ay sheegatay Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Talyaaniga oo dhalasho siiyay Wiil Afrikan ah oo Halyey loo aqoonsaday (Daawo Sawiro)

Cabdi Cade

Heyadda ICG oo soo jeedisay qorshe lagu xalin karo dagaalka Al-shabaab

Caydiid Ali

Jaamacadda Carabta oo war ka soo saartay arrimaha doorashada Soomaaliya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---