Allbanaadir.com
NEWS

Jeneral C/Fataax Al-Burhan oo xilka ka qaaday Ku-xigeenkiisa dagaalka kala dhaxeeyo

Wareegto uu soo saaray maanta uu Jimco ah madaxa golaha KMG ee haya talada dalka Sudan, Jeneral C/Fataax Al-Burhan ayuu xilka LOOGA qaaday ku-xigeenkiisa dagaalka xooggan kala dhaxeeyo EE Jeneral Maxamed Xamdaan Daglo (Xemeti )

Xafiiska warbaahinta ee golaha haya Talada Sudan ayaa baahiyay wareegtada xilka looga qaaday Jeneraal Xemeti, waxaana wareegta lagu sheegay in maanta laga bilaabo xilkii uu golaha talada dalka Sudan ka hayay laga qaaday ninka hoggaamiyaha ciidamada RSF.

Wareegto kale uu isla maanta soo saaray madaxa golaha KMG ee haya talada dalka Sudan, Jeneral C/Fataax Al-Burhan ayuu  ku-xigeenkiisa golaha KMG ee haya talada dalka Sudan u magacaabay ninka lagu magacaabo Maalik Caqaar.

Xil ka qaadista uu sameeyay Jeneraal Al Burhaan ayaa imanaeysa xilli dalka Sudan uu ka socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga uu hoggaamiyo Al Burhaan iyo ciidamada gurmadka deg dega ee RSF uu hoggaamiyo kuxigeenkii hore Jeneraal Xamdaan.

Madaxda talada dalka Sudan hayay ee Jeneral C/Fataax Al-Burhan ayaa sidaan oo kale dhawwaan xilka uga qaaday taliyihii ciidanka booliiska iyo saraakiil kale, waxa uu sidoo kale amray in mushaaraadka laga xanibo ciidanka dagaalka kula jira milatariga ee RSF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Facebook oo soo saareysa Shuruuc saameyn ku yeelan karta Soomaaliya badan

Cabdi Cade

Siyaasi soo bandhigay Qorshaha Farmaajo ka leeyahay Wadahada Somaliland iyo Aqoonsiga Jubbaland

Cabdi Cade

Baarlamanka Puntland oo qaaday talaabo uga sii dareysa xiisada ka taagan Garowe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---