Allbanaadir.com
NEWS

Xukun Dal dalaad ah oo lagu fuliyay saddex nin oo u xirnaa dowladda Iran

Xukun dal dalaad ah ayaa lagu fuliyay saddex nin oo u xirnaa in ay qeyb ka ahaayeen dibad baxyadii rabshada watay ee ka dhacay dalka Iran, kaa oo looga soo horjeeday in haweenka lagu qasbo xirashada xijaabka.

Raggan xukunka dal dalaada ah ku fuliyeen golaha garsoorka Iran ayaa lagu eedeeyay in ay ka qeyb galeen dibad baxyo rabshado watay ,sidoo kale  dil loo geestay labo nin oo katirsanaa maleeshiyada Basij ee la hawlgala ciiddanka Ilaalada Kacaanka Iran .

Saddexda nin ee xukunka dilka lagu fuliyay oo lagu kala magacaabayay Majid Qaasimi, Saciid Yacquubi iyo Saalax Mirhashemi, ayaa eheladooda sheegeen in aysan gelin dambiga lagu soo eedeeyay, xukun caddaalad darro ahna lagu riday.

Maxaabiistan la dal dalay ayaa Arbacadii la soo dhaafay warqad ay ka soo dhex qoreen xabsiga ay ku xirnaayeen, waxa ayna dadka Iran kaga codsadanayeen in ay kahor tagaan xukunka dilka ah ee lagu fulinayo.

Dowladda Iran ayaa sidaan oo kale xukuno dil ah ugu fulisay rag kale oo ku eedeesnaa dilal iyo in ay ka qeyb qaateen dibad baxyadii ruxay dalkaasi ee ka dhashay gabar aan xijaabneyn oo gacanta booliiska ku dhimatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda oo shaacisay tirada dhimashada iyo dhaawaca ee ka dhashay weerarkii Xayaat Hotel

Cabdi Cade

Nabad Sugida Somalia oo shaacisay in Amiirkii Al Shabaab si KMG ah xilka looga wareejiyay

Cabdi Cade

Weerar culus oo saakay lagu qaaday Saldhig milatari iyo Al Shabaab oo ka hadashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---