Allbanaadir.com
NEWS

Arrin uu sameeyay Nin Sudaanees ah oo dad badan soo jiidatay hadal heyna ka dhalatay (Sawirro)

Dalka Sudan waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya ciidamada milatariga dalkaasi iyo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaan RSF, waxaana dagaalkan ka dhashay khasaarooyin badan oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo barakac.

Magaalooyinka dagaalka ka socda qaarkood waxaa ka socda boob ay sameenayaan kooxo burcad ah oo ka faa’iideesanaya xasillooni darada dalkaasi ka jirta, waxa ayna burcadan iyo dhallinyaro kale bilaabeen in suuqyada iyo goobaha ganacsi boobaan.

Muuqaal laga duubay goob boob  xoogan ka socday oo kutaalla magaalada Umu Durmaan, ayaa dad badan soo jiidatay, waxa uuna muuqaalkan noqday mid si weyn loo daawaday oo muslim iyo gaalba ay ka falceliyeen.

Nin oday ah oo weeso qaadanaya ayaa kaamirada soo qabatay, waxaana ninkan gadaashiisa ka socda boob baahsan ay geesanayaan burcad iyo dad kale, ninkan ayaana marna damac adduun gelin waxa uuna iska sii watay  weeso qaadkiisa .

Muuqaalka ayaana laga arkayay ninkan oo weeso qaadka iska wata, halka dhinacyadiisa ordayaan rag u badan dhallinyaro oo la baxsanaya alaabo ay soo boobeen, waxa uuna ninkan u muuqday mid iimaan ilaah siin oon damac ka galin boobka socda.

Sheekada ninkan oo lagu turjumay afaf kala duwan ayaa si weyn ugu baahday baraha bulshada,  waxa ayna sheekada noqotay mid dad badan la dhaceen sida uu ninkan adduunyada uga jeclaaday aakhiro ,damac adduuna uusan ka gelin waxa la boobayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

DF oo war ka soo saartay duqeyn ka dhacday Gobolka Bari

Caydiid Ali

Biden oo safarkiisii u dambeyay ku tagay dal Afrikaan ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Xukuumada Soomaaliya oo War Xasaasi ah kasoo saartay Go’aankii Kenya (Akhriso)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---