Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Jeddah kula kulmay ra’isul wasaaraha dalka Ciraaq mudane Mohammed Shia al-Sudani..
Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka amni, siyaasadeed, dhaqaale iyo diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ciraaq.
Madaxweynaha waxaa uu ka mahad celiyay dowladda Ciraaq deynta ay ku laheyd Soomaaliya 67% inay ka cafiyeen. Waxaana labada dhan isla garteen soo nooleynta heshiiyadii hore uga dhaxeeyay Soomaaliya iyo Ciraaq.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka codsaday dowladda Ciraaq inay Soomaaliya la wadaagaan khibradooda ku aadan la dagaalanka waxa loogu yeeray aragagixisada maadaama ay guulo wax ku ool ah ka gaareen dagaaladii ay la galeen kooxahaas.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com