Dagaal ayaa ciidamada Itoobiya ee ka mid ah howlgalka ATMIS iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab ku dhexmaray degmada Waajid ee Gobolka Bakool, kaasoo geystay khasaaro kala duwan.
Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada Itoobiya ee degmada Waajid, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo saacado socday.
Ciidamada Itoobiya ayaa adeegsanayey madaafiic culus oo si weyn looga maqlayey degmada Waajid iyo degaannada hoostaga, kuwaasoo ay ku duqeynayeen goobaha ay ka soo weerareen Al-shabaab
Milateriga Itoobiya ayaa Sidoo kale dagaalka ka dib ka baxay xeradooda iyagoo sameeyey howlgallo baaritaano ah oo ay ku baadi goobayeen Al-shabaabkii soo weeraray oo dib uga baxay dagaalka.
Xaalada degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa haatan degan, waxaana halkaasi gacanta ku haya Ciidamada Itoobiya, kuwa dowladda Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed, lamana oga illaa khasaaraha ka dhashay dagaalkan inta uu gaarsiisan yahay.