Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Soomaali lagu dilay wadanka Koonfur Afrika iyo faahfaahino ka soo baxaya

Allaha u naxariistee waxaa Xalay lagu dilay magaalada Cape Town muwaadin Soomaali ah oo ka mid ah dadka ka xoogsada dalka Koonfur Afrika.

Dahir Cali Hussein ayaa burcad hubeysan waxay xalay ku dileen dukaan uu ka shaqeysanayay oo ku yaala xaafada Samora Michael ee Hoostagta degaanka Philippi ee Magaalada Cape Town

Sida ay xaqiijinayaan warar aan helnay burcada hubeysan ee Muwaadinka Soomaaliyeed dilay ayaa sidoo kale dhac u geystay dukaanka iyagoo marka kadib isaga baxsaday goobta

Ciidamo ka tirsan Booliiska capo Town oo gaaray dukaanka uu falka dilka ka dhacay ayaa sheegay in ay baarayaan dhacdada iyo burcadii ka dambeeysayba, mana jirto illaa hadda cid loo soo xiray dilkan.

Dilalka iyo dhaca loo geysto Soomaalida iyo ajaaniibta kale ayaa sanadahan dambe caadi ka noqday dalka Koonfur Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo Markab Dagaal u diray Bariga Dhaxe kadib Cabsi soo wajahday Ciidankiisa

Cabdi Cade

Muxuu Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Somalia kala hadlay Jean-Pierre Lacroix?

Caydiid Ali

Booliska Filipiin oo qabtay nin ka tirsan Al-shabaab oo heystay Waxyaabo qarxa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---